Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow Ciidanka walaaca ku haya Israa’iil iyo Sacuudiga!

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow ciidanka walaaca ku haya Israa’iil iyo Sacuudiga!

Ilaalada Kacaanka

Xilli uu socdo wada xaajoodka lagu soo celinayo heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo dalalka ugu awoodda badan caalamka ay gaareen sanadkii 2015, ayaa waxaa dhinacyada ay isku mari la’ yihiin waxa laga yeelayo cunaqabateynta uu Maraykanka saaray Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee waddankaas, gaara ahaan liiska ururada argagixisada ee lagu daray.

Xukuumadda Tehran ayaa doonaysa in Maraykanka uu cunaqabateynta ka qaado ciidankaas sida gaarka ah u tababaran, si dhinacyada ay dib ugu soo nooleeyaan heshiiska nukliyeerka oo uu Maraykanka ka saaray madaxweynihii hore, Donald Trump.

Wasiirka arrimaha dibedda Israa’iil Yair Lapid oo Qudus ku soo dhaweeyay dhiggiisa Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidanka “Ilaalada Kacaanka loo daayo liiska argagixisada ee uu hadda ku jiro”.

Israa’iil iyo Sacuudiga ayaa ka siman aragtida ah in Ilaalada Kacaanka Iran oo xiriir wanaagsan la leh ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen ay khatar ku yihiin amniga Bariga Dhexe, sidaasi awgeedna ay kusii jiraan liiska argagaxisada ee Maraykanka.

Muxuu yahay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran?

Waxaa loo asaasay inay ilaaliyaan kacaankii Iran ka dhacay 1979, dalkaasna ay ka difaacaan cadowga dibedda iyo gudaha. Waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Waxaa la rumaysan yahay in xubnaha Ilaalada Kacaanka Iran ay gaarayaan 125,000 oo askari, isla markaana uu ciidankaas leeyahay darajooyin iyo hogaan guud. Waxa uu u kala baxaa:

  • Ciidan dhul oo saldhigyo ku leh dhammaan 31-ka gobol ee ay Iran ka kooban tahay iyo caasimadda Tehran. Ciidanka dhulka ayaa la rumaysan yahay in tiro ahaan ay ka badan yihiin 100,000 oo askari.
  • Guutada Basij oo sida milateriga u tababaran, isla markaana leh mutadawaciin ka badan nus milyan qof.
  • Ciidanka badda, oo ka duwan kan caadiga ah ee ilaalada badaha u qaabilsan Iran. Waxa uu ka kooban yahay ilaa 20,000 oo askari oo ku qalabaysan hub casri ah, isla markaana gaaf-wareega marrinada muhiimka ah, sida kan Hormuz ee ay maraan 20% shidaalka cayriinka ah iyo waxyaabaha batroolka laga sameeyo ee caalamka u kala goosha.
  • Ciidan cir oo mas’uuliyaddiisa u weyn ay tahay barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee uu dalkaas dedaalka ballaaran ku bixiyay sanadihii dambe.
  • Guutooyinka internet-ka oo ciidanka ka caawiya dhanka sirdoonka iyo dacaayadaha.

Guutada Qudus ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ah tan u qaabilsan xiriirka dibedda. Waxa ay xiriir la leedahay ururada hubaysan ee Shiicada ah, gaar ahaan kuwa ka dagaallama Lubnaan, Ciraaq iyo weliba Yemen.

Kadib markii uu Maraykanka ku duulay Ciraaq, xukuumadda Washington ayaa Guutada Qudus ku eedaysay inay maleeshiyaadka Shiicada dalkaas siiyeen miinooyin lagu beegsaday askarta Maraykanka.

Maamulkii Trump ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanka Iran ay sabab u ahaayeen 608 askari oo Maraykanka looga dilay Ciraaq mudadii u dhexaysay 2003 ilaa 2011.

Qaasim Suleymani
Qaasim Suleymani

Qaasim Suleymani

Sarreeye Gaas Qaasim Suleymani ayaa ku dhawaad 22 sano hogaaminayay guutada Qudus ee ugu awoodda badan Ilaalada Kacaanka Iran. 3-dii January 2020 ayuu Maraykanka ku dilay gantaal u uku dhuftay gaari uu la socday xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, Ciraaq.

Suleymani ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa ninka ugu awoodda badan Iran marka laga soot ago hogaamiyaha ruuxiga, Ayatullah Cali Khamenei. Dilkiisa kadib, Iran ayaa duqeymo xooggan ku beegsatay saldhigyo ciidamada Maraykanka uu ku leeyahay Ciraaq.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this