Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti Oo Maanta Ka Degay Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole waxa ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya  Abiy Axmed.

Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimo khuseeya labada dal ee heer qaran iyo heer gobol.

 Sida ay sheegtay  Wakaalada ENA, labada dal ayaa si dhow uga wada shaqaynaya sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

 Itoobiya iyo Jabuuti ayaa iska kaashanaya sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidada labada dhinac ee dhinacyada Tareenka, Jidadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Korontada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

276046078_513364756817414_54076661217076 276153633_513364973484059_34723336586565 276161419_513364940150729_39236176142465 277254102_513364853484071_55416571635821 277308784_513364826817407_35140433014674 277553179_513364783484078_68288667188340 geelle-iyo-abiy-1-791x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this