Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: ROOBLE oo qabtay kulan jawaab u ah kii uu Farmaajo qabtay shalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay kulan la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankan oo jawaab u ah Farmaajo, ayaa la shiray madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. 

Rooble ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay’adaha dowladda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay. 

Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

Kadib kulankaas ayaa waxaa taageerayaasha Rooble ay niyadjab ka muujiyeen in awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

Rooble ayaa lagu eedeeyaa inuu siyaasad ahaan yahay nin aan aragti fog laheyn balse mar kasta go’aanadiisa ay ku saleysan yihiin falcelin.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Rooble ay aheyd inuu isugu yeero taliyayaasha ciidamada amniga, oo oo uu kala hadlo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyadii Beledweyne iyo in amniga dalka la adkeeyo, balse aysan aheyn inuu taas kusoo baraarugo markii uu Farmaajo qaaday tallaabo noocaas ah.

277104489_320583333504153_31061552213783 277007113_320583463504140_38058115688618 277485441_320583336837486_81708598284264 277439132_320583120170841_64831127442073 Farxaan-Qaroole-2.jpeg?resize=696%2C464& Wasiir-Jaamac-Cabdulqaadir-Maxamed-Nuur. Taliye-Xijaar.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 276263482_320583533504133_68512284037487 Xasan-Xuseen.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 276281888_320583596837460_72879866479876 276991671_320583456837474_66930846209384 

The post Sawirro: ROOBLE oo qabtay kulan jawaab u ah kii uu Farmaajo qabtay shalay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this