Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Askari Dil Gaystay Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ay dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere).

Af-dheere ayaa loo haystay dilka allaah u naxariistee marxuum marxuum, Bootaan Maxamed Bootaan (Bootaan Cawl) oo ay kawada tirsanaayeen ciidamada PMPF.

Dilkaan ayaa dhacay 30-kii bishii sagaalaad ee sanadkii hore 2021, xilligaas oo eedeysanaha loo qabtay dilka marxuumka uu dilay.

Dood dheer oo laga yeeshay kiiska eedeysane Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere), maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 3-dii bishii Febraayo ee sanadkaan waxa ay xukun dil ah ku ridday eedeysanaha.

Maanta oo talaada ah ayaa Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere), lagu fuliyay xukunka qisaasta dilka marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Bootaan Cawl).

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this