Deeq A. Posted March 27, 2022 Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ay dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere). Af-dheere ayaa loo haystay dilka allaah u naxariistee marxuum marxuum, Bootaan Maxamed Bootaan (Bootaan Cawl) oo ay kawada tirsanaayeen ciidamada PMPF. Dilkaan ayaa dhacay 30-kii bishii sagaalaad ee sanadkii hore 2021, xilligaas oo eedeysanaha loo qabtay dilka marxuumka uu dilay. Dood dheer oo laga yeeshay kiiska eedeysane Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere), maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 3-dii bishii Febraayo ee sanadkaan waxa ay xukun dil ah ku ridday eedeysanaha. Maanta oo talaada ah ayaa Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere), lagu fuliyay xukunka qisaasta dilka marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Bootaan Cawl). Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites