Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo toogasho ku fulisay Cabduqaadir Muuse Af-dheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Muuse oo ku magac dheeraa (Af-dheere), kaas oo loo heestay dilka Allaha u naxariistee marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Cawl).

Goobta lagu qisaasay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, iyada oo toogashada ay fuliyeen qoyska marxuum Bootaan Cawl.

Maxkamadeynta ninka la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, iyadoo maxkamaddu ugu dambeyn dil ku xukuntay saddexdii bishii Febaraayo ee sanadkan 2022, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa 30-kii bishii September ee sanadkii 2021-kii duleedka magaalada Garoowe ku dilay Bootaan Cawl oo ka tirsanaa ciidanka PSF-ta.

Saraakiisha maxkamadda ayaa sidoo kale ku goodiyay in la ciqaabi doono cid kasta oo dil si bareer ah u geysata, waxayna si gaar ah askarta u fareen inay muujiyaan feejignaan.

Dhinaca kale ehellada marxuumkii horey loo dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay fulisay maxkamadda ciidamada, iyagoo u mahadceliyey Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka.

The post Puntland oo toogasho ku fulisay Cabduqaadir Muuse Af-dheere appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this