Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta khasaaraha dagaalka weli ka socda degaanka Af-urur ee Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda buuraleyda  Af-urur ee Gobolka Bari.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku weli ka socdo dhulka buuraleyda ah ee  ku dhow degaanka Af-urur.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta khasaaraha dagaalka weli ka socda degaanka Af-urur ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this