Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
2-16.jpg?resize=960%2C650&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland Mudane Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Amaanka, xaalada Abaaraha, doorashada DFS, qabsoomida doorashada guddoomiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland loogana qaban lahaa degmooyinka kale.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeen ayaa sheegay inay ka go’an tahay qabsoomida doorashada gudoomiyayaasha sadexda degmo iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, isaga oo uga mahadceliyey Weftiga booqashadooda iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this