Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannadii Lagu Doortay Koonfur Galbeed oo Shahaadada Xildhimaannimo Qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) oo maanta kulan la qaatay xildhibaannada la doortay ee labada aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa guddoonsiiyey Shaadada xildhibaannimo, kuwaas oo ku matali doona Koonfur Galbeed Baarlamaanka 11-aad.

Waxaa  Shahaadada xildhibaannimo guddoomay 77 xildhibaan, iyagoo isugu jiray Senatorro aqalka sare iyo xildhibaanno golaha shacabka ah, kuwaas oo dhowaan lagu kala dooortay Baraawe iyo Baydhabo, waxaana ay kusoo aadaysaa iyadoo dhowaan guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban uu sheegay 14 Apriil la dhaarinayo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ahaa maamulkii ugu horeeyey ee soo gabagabeeyey doorashada xildhibaannada golaha shacabka, waxaana xigay maamullada Galmudug iyo Puntland, walow la sugayo wali dowlad goboleedyada Hirshabeelle  iyo Jubbalan in ay soo gabagabeeyaan dhankooda dorashada xildhibaannada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this