Sign in to follow this  
Deeq A.

AHLU SUNNA oo khasaare culus gaarsiisay ciidamada GALMUDUG, kadib…

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday weerar dhabagal ah oo lagu qaaday laba gaari oo ay wateen ciidamada maamulka Galmudug, wuxuuna xoogiisu ka dhacay deegaanka Balibiri oo waqooyi uga beegan caasimada Galmudug.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan lix askari  halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka Ahlu Sunna ay gubeen mid ka mid ah labada gaari oo ay wateen Ciidamadda dowladda ayna qaateen Qorigii ku xirnaa iyo laba qoray oo Dabajeex ah.

Ciidamada Galmudug oo dhankooda iska caabin sameeyey ayaa dib ula soo noqday gaarigii kale iyo askar dhaawacyo ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dolwad goboleedka Galmudug.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo todobaadyo gudahood ah, iyada oo Ahlu Sunna Waljamaaca ay horey Dhuusamareeb ugu dishay askar ka tirsanaa ciidanka Galmudug, kadib weerar gaadma ah oo ay soo qaaday.

The post AHLU SUNNA oo khasaare culus gaarsiisay ciidamada GALMUDUG, kadib… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this