Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tacsi u diraaya qoyskii uu ka baxay Cabdiqaadir Xaashi Cilmi

Recommended Posts

Deeq A.   

DHAMBAAL TACSI AH 25/03/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor, marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ganacsatada doorka weyn kasoo qaatay dib-u-dhiska iyo maal-gashiga waddanka. Marxuumku waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022 ku geeriyooday waddanka Hindiya.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this