AYOUB Posted March 5, 2005 Kala-kaan - Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-duul) Kurdi iyo Afgaanistaaniyiin, Kuuri iyo Taywaan, Kaanboojiyiin iyo Hindoo, kuman Jabaaniisa, Toban Kenediyaaniyo, Dhaj iyo noocyo kala kaana, Kabiila iyo qoladuu xukumo Koongo gudaheeda, Kuuriya iyo Kiiniyaan odaya Kaanuu ah, Kabtoon nimanka dega iyo ilaa Kooban iyo heegan, Kabajii guruub wada kab-kab ah Kuuba iyo Ruushan, Kaasa falanga qaar jooga iyo kolanyo reer Shaam ah, Reer Kolombiyiyo Seerbiyiyo Koosafiyo Saylar, Kambaliyo Kinshaashiyo kuwii tegayay Kaakuuni, Kuwa Koofi Anan soo diroo koonka lagu yaacshay, Darkartuumo lagu keenay iyo kiishash iyo haamo, Kaargooga qaar uu dhigoo wada kadlaynaaya, Kabti wile gorayiyo biciid koronkor yaacaysa, Kalluumaysatiyo doonyaleey kiro lasoo siiyay, kabaala xunta igu ururtay, Iyo kaba noocaalayda, kun qoloo isgalay oo ka badan kaynta dooga ahe, Kufri iyo islaam uumiyahan laygu keliyeeyay, Sow inaan kabriid subax qaban kaafka kuma taalo. ------ Quote Share this post Link to post Share on other sites