Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow Gantaalka gaadhi kara Bogcad kasta oo ka mida Dalka Mareykanka oo Kuuriya tijaabisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow Gantaalka gaadhi kara Bogcad kasta oo ka mida Dalka Mareykanka oo Kuuriya tijaabisay

Gantaalka Hwasong-17 waa gantaalkii ugu weynaa ee ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi
Gantaalka Hwasong-17 waa gantaalkii ugu weynaa ee ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay tijaabinta gantaalkeeda ugu weyn ee qaaradaha isaga kala goosha ee ICBM.

Waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay ee waddanku uu tijaabiyo gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi laga mamnuucay tan iyo 2017-kii.

Gantaalada ICBM waa gantaalada riddada dheer, oo awood u leh inay gaaraan Maraykanka. Kuuriyada Woqooyi waa laga mamnuucay in la tijaabiyo, waxaana hore loogu soo rogay cunaqabatayn adag si ay u joojiyaan balse hadda dib ayay u bilowday.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hogaamiye Kim Jong-un uu si toos ah u hagayay tijaabada. Tallaabadan ayaa waxa ay sii murjinaysa joojinta dagaalka nukliyeerka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in gantaalka la riday Khamiistii uu ahaa mid loogu talagalay in caalamka lagu tuso awoodda ciidamada ee dalkiisu leeyahay.

Gantaalka riddada dheer ee Hwasong-17 ayaa sannadkii 2020-kii markii ugu horeysay lagu daah furay dhoolatus militari markaas oo cabirkiisu amakaag ku riday xitaa falanqeeyayaasha iyo khibrada hubka ee caalamka.

Ankit Panda oo ka tirsan Hay’adda Carnegie Endowment ee Nabadda Caalamka ayaa tijaabada Khamiistii ku tilmaamtay “mid muhiim u ah” hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, waxayna sii wadaysaa dadaalka Kuuriyada Waqooyi ee ku hormarinayso Nukliyeerka,” ayuu u sheegay BBC.

“Waa gantaalkii ugu weynaa ee Kuuriyada Waqooyi ay soo saarto, waxaana laga yaabaa in uu qaado madaxyo badan.”

 

Gantaalka Khamiistii la tijaabiyay waxaa dabagal ku sameeyay militariga Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Saraakiisha Japan ayaa sheegay in uu gaaray joog dhan 6,000 kiilomitir uuna ku dhacay biyaha Japan kadib markii uu saacad ka badan hawada ku jiray.

Dhererkiisu waxa uu ka sare maray gantaalkii hore ee Hwasong-15 – kaas oo gaaray joog dhan 4,500 kiilomitir, waxay ahayd sannadkii 2017-kii markaas oo ay Kuuriyada Waqooyi sameysay tijaabooyin xiriir ah oo ay Kuuriyada Waqooyi samaysay isla sannadkaas.

Khubaradu waxa ay qiyaaseen in haddii gantaalkii Hwasong-15, lagu ridi lahaa jihada caadiga ah, uu socon lahaa in ka badan 13,000 taasoo ka dhigaysa inuu gaari karo meel kasta oo ka mid ah Maraykanka.

Gantaalkan cusubi waxa uu awood u yeelanayaa in uu meel sare oo ka sii dheereeyo gaari karo.

Sawir laga qaaday gantaalka Hwasong-17 ee Kuuriyada Waqooyi
Sawir laga qaaday gantaalka Hwasong-17 ee Kuuriyada Waqooyi

Bambaanooyinka Thermonuclear

Waxay ahayd 3 Sebtembar 2017-kii markii ay Kuuriyada Waqooyi samaysay tijaabadeedii ugu weynayd ee nukliyeerka.

Qiyaasta awoodda qarxa ee aaladda, ama wax-soosaarkeeda, waxay u dhaxaysay 100-370 oo kilotan. 100-kii kiilooton ayaa lix jeer ka xoog badan bamkii lagu tuuray Hiroshima 1945-tii.

Map showing main nuclear test sites in North Korea

Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtay in tijaabadani ay ahayd hubkeedii ugu horreeyay ee thermonuclear oo qaabka ugu awoodda badan ee qarxa nukliyeerka ee qarxinta hubka atomikada.

Bishii Abriil 2018, Kuuriyada Waqooyi waxay ku dhawaaqday inay joojinayso tijaabooyin kale oo nukliyeerka waxayna sababta ku sheegtay in ay awoodeeda xaqiijisay”.

Kuuriya Waqooyiga ayaa sidoo kale ballan qaaday inay burburin doonto goobta Punggye-ri waxayna bishii May 2018 qarxisay qaar ka mid ah godadka-ka iyadoo ay goobjoog ahaayeen saxafiyiin ajnabi ah – balse ma jirin khubaro caalami ah oo goobtaasi ku sugnayd.

Iyadoo uu sanadkaas wadahadal u socday Kim Jong-un iyo maamulkii madaxweyne Trump , Pyongyang ayaa sidoo kale sheegtay inay burburin doonto dhammaan xarumaha tayeynta nukliyeerka.

Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sanadkii 2019-kii kulmay
Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sanadkii 2019-kii kulmay

Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladii lala yeeshay Maraykanka ayaa ahaa kuwo aan miro dhalin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan atoomikada ayaa sannadkii 2021-kii sheegtay in iyadoo lagu salaynayo sawiro lagu qaaday dayax-gacmeedka, ay u muuqatay in Kuuriyada Waqooyi ay dib u billowday hormarinta niyukleerkeeda.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in barnaamijka Nukliyeerka uu si buuxda u socdo, iyadoo laga shaqaynayo kala-soocidda iyo kobcinta Uranium-ka.

Malaayiinta askari ee Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyiga waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada ugu badan adduunka waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa hal milyan halka kuwa keydka ku jirana lagu qiyaaso ilaa 600,000.

Inta badan qalabkeeda waa duugoobay, laakiin ciidamadeeda caadiga ah waxay weli waxyeelo weyn u geysan karaan Kuuriyada Koonfureed haddii uu dagaal dhaco.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad ​​tobanaan kun oo ciidamo gaar ah kuwaas oo la filayo in ay gudaha u soo galaan koonfurta hadii uu wax iska hor imaad ah dhaco .

.

Khatar kale ayaa ka imanaysa kumanaan gantaalada Kuuriyada Waqooyi ah iyo gantaalada la soo dhoobay xadka, taas oo ka dhigaysa in Kuuriyada Koonfureed oo ay ku jirto caasimadda Seoul, ay masaafo ka yar 60km u jirta.

Sannadkii 2012, qiimayn ay samaysay dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu qiyaasay in Kuuriyada Waqooyi ay haysato inta u dhaxaysa 2,500 iyo 5,000 oo tan oo hub kiimiko ah, taas oo suurtogal ah in uu yahay kaydka ugu weyn adduunka.

Waxa kale oo jiray walaac laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay yeelan karto barnaamij hub bayooloji ah, in kasta oo wax aad u yar laga og yahay arrintan iyo inta ay la egtahay horumarkeeduba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this