Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dowladda federaalka oo ciidamo geysay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Waajid (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ciidamo laga qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay geysay degmada Waajid oo ay go’doomisay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada la geeyey Waajid ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 260-aad ee qeybta 60-aad, waxaana dhawaan tababar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Waxaa ciidamada garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed iyio saraakiil kale.

Ujeedada ciidamadaan loo geeyey Degmada Waajid ayaa waxay saraakiisha ku sheegeen inay tahay fulinta howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga sameyn doono demooyinka Gobolka Bakool

Saraakiisha Ciidamada Ururka 260-aad iyo Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa waxaa ay sagootiyeen Ciidamo kale oo tabaar ciidan kusoo qaadan doono magaalada Baydabo si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qorsheenaya inay go’doonka ka qaadaan degmada Waajib iyo degmooyinka kale ee Gobolka Bakool.

Degmada Waajid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Bakool ee u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, iyada oo mararka qaarna ay weerar kusoo qaadaan.

4-2-1536x1024-2.jpg?resize=696%2C464&ssl 3-4-1536x1024-1.jpg?resize=696%2C464&ssl 2-4-1536x1024-1.jpg?resize=696%2C464&ssl 1-4-1536x1024-1.jpg?resize=696%2C464&ssl9

The post Sawirro: Dowladda federaalka oo ciidamo geysay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this