Sign in to follow this  
Deeq A.

AGAASIME ku-xigeenka VILLA SOMALIA oo beeniyey qoraal looga been abuuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay qoraal been abuur ah oo laga sameeyey kaasoo lagu faafiyey Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaar.

Cabdinuur Axmed ayaa sheegay in qoraalkaas uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aan lagu qorin Boggiisa Facebook ee saxda ah.

Qoraalka uu Agaasime Cabdinuur beeniyey ayaa u qoranaa sidaan “Caawa habeen ay iiga farxad badantahay ma jirto, Waa habeenka aan dhashay” kaasoo lagu soo aadiyey saacado kadib geerida Xildhibaan Aamina.

“Qoraalkaas waa mid been abuur ah oo looga dan leeyahay in la igu sumcad xumeeyo, waxaana lagu soo aadiyey waqtigii la dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Aamina Maxamed” ayuu yiri Cabdinuur oo la hadlay Caasimadda Online.

Cabdinuur ayaa markale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay weeraradii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

The post AGAASIME ku-xigeenka VILLA SOMALIA oo beeniyey qoraal looga been abuuray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this