Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabelle oo shaacisay Jadwalka iyo habraaca doorashada 4 kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa soo gudbiyay Jadwalka iyo habraaca Doorashada 4 kursi oo Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashada Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Doorashada kuraastaan kala ah: HOP#058, HOP#019, HOP#059 & HOP#039 Baladweyne ay ka dhaceyso 27ka Maarso 2022 Axadda Todobaadka soo socda sida lagu xusay qoraalka Guddiga.

Ergada Dooraneysa kuraastaan ee kusoo baxday liiska Xulista Odoyaasha Dhaqanka iyo Wakiilada Bulshada Rayidka ayaa maanta la geynayaa goobta loogu talagalay si loo hubiyo, loona siiyo tababar lagu tusayo sida uu Ergayga u dooran karo Xildhibaanka.

3 kamid ah Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Haween, mana sheegin guddiga doorashada haddii ay Seddexdaas kursi ku tartamayaan Haween kaliya.

Halkaan hoose ka akhriso Afarta kursi iyo xildhibaanadii horey ugu fadhiyey

HOP#058: Nuur Iidow Beyle ayaa ku fadhiyay kursigaan Baarlamaanka 10aad ee JFS.

HOP#019: Farxiya Muumin Cali ayaa xubin Baarlamaan ku noqotay Baarlamaanka 10aad.

HOP#059: Samiira Xasan Cabdulle ayaa kursigaan ku fadhisa.

HOP#039: Maryan Axmed Haaruun.

The post Hirshabelle oo shaacisay Jadwalka iyo habraaca doorashada 4 kursi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this