Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Indha-cadde oo ka digay shirqool lagu dilayo Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ka digay shirqool siyaasadeed oo sida uu sheegay la doonayo in lagu dilo madax hore iyo siyaasiyiin u dhashay Beesha Mogadishu Clan.

Yuusuf Indha-cadde oo xalay wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in hay’ad kamid ah kuwa Amniga Soomaaliya oo ku milantay Al-shabaab ay dil qorshaysan u diyaarisay siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynihi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa toddobaadka soo socda la qorsheeyay weeraro loo adeegsanayo qaraxyo oo loo diyaariyay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxmuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo shaqsiyaad kale oo anigu ku jiro Si loo qaarajiyo xogtaasna ilo lagu kalsoon yahay ayaan ka helay” ayuu yiri Indha-cadde.

Sidoo kale wuxu sheegay in dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi uu ahaa mid siyaasadaysan oo ay fulisay hay’ad kamid ah laamaha Amniga Soomaaliya taas oo sida uu tilmaamay u horay fulisay dilal qorshaysan oo kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Yuusuf Indha-cadde oo ka digay shirqool lagu dilayo Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this