Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida uu M/weynaha Ukraine Zelensky khudbadihiisa ugu adeegsado inuu ku helo wuxuu doonayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu M/weynaha Ukraine Zelensky khudbadihiisa ugu adeegsado inuu ku helo wuxuu doonayo

 

Iyadoo ciidamadiisa ay si aad ah uga gaallameen aagagga dagaalka ee Ukraine, ayaa Volodymyr Zelensky wuxuu warbixin dagaal ku baahiyay caasimadaha dalalka galbeed.

Toban barlamaan ayuu muddo labo toddobaad gudahood khudbad u jeediyay, isagoo meel walba ka helay taageero.

Isagoo si toos ah qadka uga soo galay magaalada go’doonsan, isla markaana xiran funaanad cagaar ah, ayaa wuxuu aalaaba khudbadihiisa kusoo xiraa erayo taabasho leh. Markuu sacabku is gaaro qadka wuu ka baxaa. Waa nin deg deg badan, sidas oo tahayna ka soo qeyb gala.

“Wuu yaqaan sida loo adeegsado awoodda qaranka,” ayuu yiri Jonathan Eyal, oo ka tirsan Machadka Royal United Services Institute. “Maaha keliya khudbadda, balse sidoo kale qaabka uu usoo muuqanayo, dhabarka dambe halka uu ka soo hadlayo.”

Si isku mid balse kala duwan

Khudbadaha, oo ku bilowday mid uu xildhibaannada London ugu jeediyay 3 March, ayaa waxay ka siman yihiin hal ujeeddo oo deg deg ah – si loo helo taageero caalami ah – Madaxweyne Zelensky ayaana ku lifaaqa farriimo aad looga fekeray.

Laga soo bilaabo dhicitaankii Derbiga Berlin ilaa weerarradii 9/11 ee New York iyo Washington, Mr Zelensky ayaa wuxuu soo qaataa dhacdooyinka qaran ee argagaxa leh iyo tiiraanyada ka dhalatay.

Mar uu ka khudbeynayay magaalada Paris wuxuu shalay u adeegsaday hal ku dhigga qaranka ee “liberté, égalité, fraternité” oo xornimo loola jeedo. Gudaha Japan, wuxuu ku hal qabsaday musiibada hubka nukliyeerka.

Graphic showing President Zelensky addressing six different parliaments

Tixraacyadu maaha kuwo micno leh. loogumana talogalin inay noqdaan. Waa kuwo dareenka kicinaya.

Mr Zelensky waqti kuma lumiyo inuu ujeedka abbaaro. Daqiiqad ama gudahood khudbaddiisa London, wuxuu is barbar dhigayay 13-ka maalmood ee dagaalka Ukraine iyo Dagaalkii Britain, ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

“Wxaan ku dagaallami doonnaa keymaha dhexdooda, beeraha, xeebaha, magaalooyinka iyo xafadaha, waddooyinka, waxaan ku dhex dagaallami doonnaa buuraha dhexdooda,” ayuu yiri.

Balse iyadoo booqashada baarlmaan ee Mr Zelensky ay horumar sameysay, hadallo kale oo kulul ayaa soo dhex galaya. Kama baqo inuu dalalka Galbeedka ku canaanto waxa uu u arko inay ku guul darreysteen inay taageero ku filan u fidiyaan.

Awoodda ceebta

“Mid walba oo khudbadiisa ka mid ah, wuxuu ku yiraahdaa qof noocee ah ayaad tahay?” ayuu yiri Nomi Claire Lazar, oo wax ka dhiga Jaamacadda Ottawa. “Dal noocee ayaad tahay? Haddii aad ku guul darreysatay inaad xaaladdan wax ka qabato, waad ceebowday.”

Khudbad uu ujeediyay Kongareeska Mareykanka oo uu ku soo qaatay Pearl Harbour, Martin Luther King iyoMount Rushmore, Maaxweyne Zelensky wuxuu kula hadlay luqad aan diblomaasi ahayn. “Waxaanu codsaneynaa falcelin,” ayuu yiri. “Falcelin la siiyo argagixisada. Tani ma wax badan oo la idinka codsadaa?”

ROME, ITALY - MARCH 22: Ukrainian President Volodymyr Zelensky addresses the Italian Parliament via live video from the embattled city of Kyiv on March 22, 2022 in Rome, Italy.
Madaxweyne Zelensky ayaa erayga ceeb u adeegsaday baarlamaanka Talyaaniga

Mar uu baarlamaanka Talyaaniga u khudbeynayay Talaadadii, Madaxweyne Zelensky ayaa mar kale erayga ceeb u adeegsaday, isagoo tilmaaay in xubnaha dadka u dhow Putin ay ku raaxeystaan inay ku dalxiisaan Talyaaniga.

“Goob dalxiis ha u noqonnin dilaayaasha,” ayuu ku canaantay.

Maaddaama uu yahay dal la dhibtoonaya duullaanka Ruushka, wuxuu Prof Lazar leeyahay, Mr Zelensky wuu isla saxan yahay. “Runtii intaad baarlamaannada shisheeye la hadasho kuma oran kartid waad ceebowday,” ayuu yiri Prof Lazar, “ilaa maahee inaad isla saxan tahay.”

Sacab tumid istaag ah

Mid walba oo khudbadihiisa ka mid ah, oo ay isla qoreen Dmytro Litvin oo kaaliyihiisa u dhow ah, ayaa Mr Zelensky wuxu ku soo jiitay dhegeystayaasha: siyaasiyiinta waxaa qaada erayadiisa kul kulul.

Balse wuxuu u hadlayaa lana hadlayaa dadkiisa. Wuxuu ku hadlaa luqadda Ukraine looga hadlo.

TOPSHOT - Canadian Members of Parliament and invited guests applaud Ukrainian President Volodymyr Zelensky before virtually addressing the Canadian Parliament, March 15, 2022 in Ottawa
Xildhibaannada Canada oo u istaagay Mr Zelensky muddo saddex daqiiqo ah

Ilaa dagaalka, markii hore Mr Zelensky wuxuu ahaa majaajiliiste.

“Majaajiliistayaashu waxay noloshooda ku dabbaraan xiriirkan dhow ee ay la leeyihiin dhegeystayaashooda,” ayuu yiri Prof Lazar.

Sameynta ajandaha

Tani waa ujeeddada dhan. Mr Zelensky baarlamaannada caalamka ugama qeyb gelin inuu keliya damqasho ka helo. Ukraine waxay u dagaallameysaa jiritaankeeda, taasna waxay keliya u surto geli kartaa markii ay taageero militari oo ballaaran oo joogto ah ka hesho xulafadeeda.

Muddo toddobaadyo ah, Madaxweyne Zelensky ayaa ka codsanayay Nato inay goob duullimaadka ka caaggan ka sameeyaan Ukraine. Wuu ogyahay inuusan heleyn. Balse wax kale auu heli karaa. “Waxaan filayaa inay leeyihiin ‘goob ka caaggan duullimaadka’, haddii ay maya tahay, mxay kuugu beddelyaan?” ayay tiri Ms Lutsevych. “Waxaa u maleynayaa waa taas istaraatiijiyadda.”

Talaadadii, madaxa xafiiska Zelensky, Andriy Yermak, ayaa la yimid wax lagu beddelo goob duullimaadka ka caaggan. “Fadlan xoojiya arrinta goob ka caaggan duullimaadka amaba na siiya hannaan difaaca cirka ah oo la isku halleyn karo,” ayuu yiri.

Dadaallada lagu horumarinayo hannaanka difaaca cirka ee Ukraine ayaa haatanba la sameeyay, Mareykanka ayaana la sheegay inuu qorsheynayo inuu dalkaas geeyo qalab duug ah oo uu Soofiyedku sameeyay balse weli wax tar leh.

Jonathan Eyal ayaa sheegay in dadalka aan joogsiga lahayn ee Zelensky uu mirodhalayo.

Iyadoo hoggaamiyeyaasha Galbeedka ay qabanayaan maalin wada xaajoodyo adag ah oo dagaalka ku saabsan, “ajanduhu wuxuu noqon doonaa qalabka kale ee isaga lagu wareejin lahaa.” Ayuu yiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this