Sign in to follow this  
Deeq A.

 Waxa xilligan dowladda Itoobiya ku khasbay inay xabad joojin ku dhawaaqdo?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Waxa xilligan dowladda Itoobiya ku khasbay inay xabad joojin ku dhawaaqdo?

Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya
Dagaalka ayaa waxa uu qarxay bishii Noofambar ee sannadkii 2020 ka

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib 16 bilood oo ay dagaal ay kula jirtay ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalka sokeeye ayaa sababay in in ka badan shan milyan oo qof ay u baahdaan cunto gargaar ah, ilaa haatan ma jirto wax cunto ah oo la gaari siiyay Tigrayga tan iyo bartamihii bishii December.

Warkan ayaa daba socda booqasho uu dalka Itoobiya ku tagay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield.

Ciidamada Tigreega ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay qaadday dowlada.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay xaaladda halkaas ka jirta inay tahay mid masiibo ah, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay ka hor istaagtay gargaarkii loo baahnaa.

Itoobiya ayaa ku eedaysay kooxda TPLF inay joojisay sahaydii la gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

 

Wararka ka imaanaya gobolka Tigreega ayaa sheegaya in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo dawo la’aan.

Bishii Janaayo, Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​40% dadka Tigrayga ah ay la ildaran yihiin waxa ay ugu yeertay “cunto la’aan aad u daran”. Waxa kale oo la ogaaday in kala bar dhammaan dumarka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ay hayso nafaqo darro.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii, ayay dowladdu ku sheegtay in xabbad joojintu ay tahay “mid aan la cayimin” oo ” isla markiiba dhaqan galaysa “, balse waxay intaas ku dartay inay hagaajin doonto nolosha dadka ku nool waqooyiga dalka haddii tallaabadaas laga jawaabo.

Waxay ugu baaqday ciidamada Tigreega inay “joojiyaan daan-daansiga ah oo ay ka baxaan meelaha ay qabsadeen gaar ahaanna gobollada deriska la ah”.

Dagaalka ayaa waxa uu qarxay bishii Noofambar ee sannadkii 2020 ka dib bilo ay jirtay xiisad u dhaxaysay maamulka federaalka iyo kooxda TPLF, oo xukuntay gobolka Tigray.

Todobaadyo gudahood ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in colaadda la soo afjaray markii ciidamada federaalka ay qabsadeen caasimadda gobolka ee Malle. Balse kooxda TPLF ayaa markii dambe la dagaalantay waxayna dib ula wareegtay gacan ku haynta inta badan gobolka Tigray.

Ka dib markii ay bishii June ee sannadkii la soo dhaafay ay fallaagada dib ula wareegeen Maqale, Mr Abiy waxa uu ku dhawaaqay xabbad joojin hal dhinac ah. Balse kooxda TPLF ayaa sheegtay in aysan taasi ilaalin doonin ilaa loo aqoonsado maamulka sharciga ah ee Tigray.

Colaadda daba dheeraatay ayaa horseeday in kumannaan qof lagu ay naftooda waayaan maalaayin kalana ay gargaar bini’aadantinimo u baahdaan.

Dawladdu hadda waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in xabbad-joojintu ay “dariiqa u xaari doonto xallinta colaadda… iyada oo aan dhiig kale daadan”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this