Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Booliska Muqdisho oo Carruurta Madaxfurasho u Qabsada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Dhowr degmo oo Muqdisho ka tirsan waxaa ka billowday falal amni-darro ah oo ay wadaan ciidammada booliska Soomaaliyeed. Degmooyinka Hodan, Wardhiigley iyo Hawlwadaag carruurta ku nool waxay la kulmaan afduub ay ciidammada booliska sameeyaan. Ciidanka boolisku wuxuu soo xiraa carruurta marka la dhaafo maqribka iyagoo ku eedeynaya inay Al-shbaab u shaqeeyaan haddii la arko iyagoo keligood socda. Carruur salaadda cishe u socday ayay boolisku xireen. Waxay faraan carruurta ay afduubeen inay waalidkood telefoon u diraan. Marka waalidku yimaado meesha carruurta lagu hayo oo saldhig ah ama meel ciidanka boolisku ka samaystay saldhig yar, waxaa waalidka la kala dooransiiyaa inay lacag madaxfurasho ah bixiyaan si carruurta loo sii daayo ama in carruurta la soo afduubay loo gudbiyo maxkamad iyagoo lagu eedeynayo inay Al-shabaab xog u ururinayeen.

“Carruurtu ma soo bixi karaan wixii ka dambeeya salaadda maqrib waayo waxay ka cabsanayaan in askartu afduubaan kaddibna lagu soo daayo madaxfurasho” ayuu aabbe Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Xamar Bile u sheegay wariyaha Puntland Post.

PhotoCollage_20220324_190149659.jpg?resiTaliyaha Booliska Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Duqa Magaalada Cumar Maxamuud (Filish) iyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur kama warhayaan dhibaatada carruurta Soomaaliyeed kala kulmaan ciidammada amniga degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ma soo kormeero meelaha ay ciidammada boolisku kaga sugan yihiin degmooyiinka qaarkood. Ciidammada booliska oo ka halwgala degmooyinka Muqdisho badankood waa askar isku beel ah, lagu soo xulo sida beeshu ugu awood-badan tahay goobta ciidanku ka hawlgalayo.

“Wax dowlad ah kama jirto degmooyin badan oo Muqdisho ka mid ah. Waxaa jira qad cagaaran oo aan muuqan, **********tii hore iyo kuwa hadda waxay ku kala duwan yihiin waa: kuwa hadda loo bixiyay ciidanka booliska waa ******** mushaar lagu siiyo dhaca iyo laaluush qaadashada” ayuu yiri oday Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Baar Raaxo ee degmada Hodan.

Ma jiro hab dadku ugu soo caban karaan dowladda federaalka marka ciidammada ammaanku isu beddelaan burcad. Raadiyayaasha Muqdisho qaarkood way og yihiin halista carruurta Soomaaliyeed kala kulmaan ciidammada amniga ee degmooyinka Muqdisho, hase ahaatee kuma dhiirradaan inay warar ka soo tabiyaan gaboodfallada. Waxay ka cabsanayaan in lagu eedeeyo meel-ka-dhac iyo inay dacaayad u fidinayaan Al-shabaab.

“Ciidanka amniga ayaa Al-shabaab u shaqaynaya oo ku qasbaya carruurta inay xagjirnimo doortaan. Siyaasiyiinta Muqdisho iyagoo og ku takrifalka awoodda dowladeed ayay indhaha ka qarsadeen dhibaatada ciidanka amnigu ku hayo carruurta Soomaaliyeed” ayuu yiri nin codsaday in aan magaciisa la sheegin marka la xiganayo.

© Puntland Post, 2022

The post Ciidammada Booliska Muqdisho oo Carruurta Madaxfurasho u Qabsada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this