Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Guudlaawe:- in Ka badan 150 Qof ayaa ku dhintay Ama ku dhaawacmay Qaraxyadii Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlad Goboleedka hirshabeelle ayaa markii ugu horaysay tiro koob rasmi kasoo saartay dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa sheegay in Qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne habeenkii xalay ahaa ay ku dhinteen dad gaaraya 48 ruux halka 108 ruuxna dhaawac uu soo gaaray.

Qaraxyadii labada ahaa ee xalay gilgilay Baladweyne waxaa ku dhintay Xildhibaanad Aamina Maxamed cabdi oo goordhow Muqdisho loogu sameeyay Aas qaran, waxaana masuuliyiin katirsan dawladda oo ugu horeeyo madaxa xukuumadda Maxamed Xuseen rooble iyo beesha caalamku isku raaceen in loo beegsaday arimo siyaasadeed.

 

GOOBJOOG NEWS.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this