Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Midowga Yurub oo war Cusub ka soo saaray Dilka Haweenay Xildhibaanad ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Ururka Midowga Yurub oo war Cusub ka soo saaray Dilka Haweenay Xildhibaanad ahayd

Ururka Midowga Yurub oo war kasoo saaray DILKA Aamino Maxamed Cabdi

Ururka Midowga Yurub ayaa war kasoo saaray weeraradii xalay gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyey dhimashada Aamino Maxamed iyo dad kale oo uu ku jiro xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Qoraal kooban oo ay soo saartay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambassador Tiina Intelmann ayaa si gaar ah tacsi loogu dilay ehellada xildhibaanada Aamino Maxamed Cabdi.

Tiina Intelmann ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu si adag oo xoogan u cambaareynayo dilalka ku saleysan arrimaha siyaasadda, maadaama lagu jiro kala guur.

“Rabshadaha ma ahan wado horay u wadeysa dalka Soomaaliya. Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa dilalka ku saleysan siyaasadda”, ayey tiri safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliyaiyada oo u tacsiyadeeysay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Weeraradan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya illaa 20 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 30 kale, sidoo kale waxaa ka dhashay burbur xoogan

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Inkastoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaanada, haddane siyaasiyiin iyo shacab ayaa waxa ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya oo toddobaadyadii tegay wadday olole la doonayey in Aamino looga saaro liiska musharixiinta kursigii ay horey ugu fadhisay.

Violence is not a way forward for #Somalia. #EU condemns terrorism and politically motivated killings. Condolences to the family of MP Amina Mohamed Abdi #Beledweyne @EU_in_Somalia

— Tiina Intelmann (@TiinaIntelmann) March 24, 2022

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this