Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo shaaciyey ujeed laga lahaa qaraxyadii ka dhacay BELEDWEYNE

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa bixiyey xog iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ah lagu khaarijiyey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaciyey in qaraxa koowaad oo lala beegsaday Aamino uu ahaa mid siyaasadeysan oo lasoo qorsheeyey, si loogu khaarijiyo.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka qaraxyadan laga lahaa ay ahaayean in lagu qal-qal geliyo amniga doorashada ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Maxamed Cali.

Siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa ku sugan Beledweyne, isaga oo u tegay ka qayb-galka doorashada, wuxuuna sheegay in weli xaaladdu ay qasan tahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo su’aallo badan iyo shaki uu ka dhashay qaraxyadan oo mas’uuliyiin ay xildhibaano ay ku jiraan ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya.

The post Sanbaloolshe oo shaaciyey ujeed laga lahaa qaraxyadii ka dhacay BELEDWEYNE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this