Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qoor Qoor oo u yeeray xildhibaanada GALMUDUG laga soo doortay + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi  Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee laga soo doortay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Sida xogta aan helnay sheegeyso, madaxweyne Qoor Qoor ayaa doonaya inuu xildhibaanada la yeesho kulamo kala duwan, isla markaana magaalada Dhuusamareeb lagu qabto xaflado kala duwan oo uu soo agaasimay madaxweyne Qoor Qoor.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheega in madaxweynaha Galmudug uu doonayo inuu xildhibaanada ku qanciyo inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu soo dooran lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu ka shaqeenayo sidii uu u noqon lahaa Ra’isul wasaare, wuxuuna Farmaajo u arkaa cidda kaliya ee rumeyn karta riyadiisa maadaama ay labada Mas’uul horey isku dhaafsadeen dano siyaasadeed, inkastoo Farmaajo uu wajahayo culeys badan oo kaga imaanayo musharixiinta mucaaradka.

Qoorqoor ayaa tilaabadan qaaday kadib markii todobaadkan ay madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed la hadleen xildhibaannada laga soo doortay maamuladooda, iyaga oo ku kala duwanaa danaha ay ka lahaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan isugu yeeray xildhibaanada laga soo doortay Boosaaso iyo Garoowe ayaa kaga faa’ideystay ku dhawaaqista inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna fursadaas kaga faa’ideystay soo bandhigista faan la xiriira inuu doorashada u qabtay qaab cadaalad ah iyo inuu doorashada kusoo gabagabeeyey waqtigii lagu heshiiyey.

The post Xog: Qoor Qoor oo u yeeray xildhibaanada GALMUDUG laga soo doortay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this