Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guuleystay kursigii uu ku fadhiyay Cabdullaahi Goodax Barre ee tartanka adag ka dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16480465226567749.jpg?resize=720%Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid

Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid ayaa ku soo baxay doorashada kursiga Hop#063 ee Beledweyne oo noqotay doorashadii ugu adkayd Golaha Shacabka ee ilaa hadda dhacda, taas oo gaadhay wareega saddexaad.

Kursiga waxaa ku tartamay 9 musharax oo 7 ka mid ah ay ku hareen wareegii koowaad, kuwaas oo ka mid ahaa Cabdullaahi Goodax Barre oo kursigan horay ugu fadhiyay.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid iyo Maxamed Daahir Xaaji Aadan oo wareegii labaad u gudbay ayaa isku cod noqday, kadib markii ay min 50 cod heleen, 1 codna xumaaday, waxayna taasi sababtay in loo gudbo wareega saddexaad.

Labada musharax ayaa markale wareega saddexaad ku tartamay, waxaana ugu dambeyn 56 cod ku guuleystay Cabdirisaaq Ciid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo Sheekh Shariif.

Musharaxa laga guuleystay Maxamed Daahir Aadan oo ay isku hooyo yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa taageero ka haysay Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Yaa ku guuleystay kursigii uu ku fadhiyay Cabdullaahi Goodax Barre ee tartanka adag ka dhacay? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this