Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sacdiya Salaad oo isu sharraxday Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
sacdiyaa.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar (Sacdiya Salaad) ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday in ay u taaganyahay xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa halkan uga Cadaynayaa xumnaha Golaha Shacanka Guud ahaan, inaa utartami doono Qabashada Gudoomiye Ku xigeenka 1-Aad ee Golaha shacabka Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliyed” ayay tiri Sacdiya Salaad.

Xildhibaan Sacdiya oo laga soo doorto Gobolka Nugaal gaar ahaanna Caasimadda Garoowe ayaa ka tirsan Xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u sharraxan xilka Madaxtinimada dalka.

Kursiga Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka waxa sidoo kale doonaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhowaan Xildhibaan loogu doortay magaalada Beledweyne balse weli aan dhinacna aqoonsi ka helin.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Sacdiya Salaad oo isu sharraxday Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this