Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo raba inuu Cabdiraxmaan Dheere u magacaabo agaasimaha NISA iyo mowqifka Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorsheenaya inuu agaasimaha cusub ee Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ka dhigo Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu maalmaha soo socdo u magacaabo Cabdiraxmaan Dheere agaasimaha Hay’adda NISA oo muddo badan aan laheyn agaasime kadib khilaafkii ka dhex dhacay Farmaajo iyo Rooble.

Hay’adda ayaa waxaa hadda agaasimne ku-meel gaar ah ka ah Yaasiin Farey, balse Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyey in la magacaabo agaasime ay isku raacsan yihiin, maadaama Yaasiin Farey lagu tiriyo dhanka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu diidan yahay in xilkaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, oo si aad ah ugu dhow Fahad iyo Farmaajo, waxayna taas caqabad weyn ku tahay madaxweye Farmaajo.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa billaabay inuu xildhibaano ku dhow Rooble kala hadlay inay xilkamsoo ogoleysiiyaan ra’iisul wasaaraha maadaama madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay horey ugu heshiiyeen in cidda loo magacaabayo xilkaas uu noqdo qof ay isla ogol yihiin labadooda

Rooble iyo Farmaajo ayaa wuxuu khilaafkooda kasoo bilowday xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib markii gacanta hey’adda lagu waayey Ikraan Tahliil Faarax.

Cabdiraxman Dheere oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa ahaan jirey xildhibaan ka tirsanaa aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya balse xiligaan degaan doorashadiisa Jubaland looga diidey in dib looga soo doorto, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday. 

The post Xog: Farmaajo oo raba inuu Cabdiraxmaan Dheere u magacaabo agaasimaha NISA iyo mowqifka Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this