Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Meetings in his de facto "capital" while criticizing his government

Recommended Posts

Nayroobi ayuu toddobaadyo iskaga baashaalaayaa. Kuwaan uu la kulmaayo Xamar kula kulmi karay, but he doesn't see Xamar as his capital. Shameless.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhaliilo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM

2022318637831996707146896.jpg

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalad Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeybgalay kulan ay lahayeen Wakiilada midowga Yurub ee Soomaaliya oo looga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee howlgalka AMISOM, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in wali aysan aheyn mid fadhisa, islamarkaana aysan muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo wanaagsan soo qabtay bilowgii, kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka ka mid ah, islamarkana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray, hayeeshee sanadihii danbe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin dowlada Federaalka ah iyo wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha.


Wuxuu intaas ku daray in dowlada Federaalka ah ay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka oo ay dowladda Ciidamada u isticmaashay arrimaha siyaasada taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in Dowlada Federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018, dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.

Ugu danbayntii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul laga gaari karo hadii la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq bixiyayaasha ayuu madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe iyo Kenya oo isku raacay qorshe ku saaban doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarey

Maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee taal Garbahaareey.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe heshiis ku yihiin in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal, halkaasi oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay, beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan

Doorashada 16-ka kursi ee yaalla Gedo ayaa caqabad ku ah soo gaba-gabeynta doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka iyadoo xiligaan tirada harsan ay gaarayaan 29 xubnood.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo, waxaana kadib guddiga doorashada Jubaland ay ku dhowaaqi doonaan go’aan la xiriira halka lagu qabanayo doorashada kuraasta Garbahaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.