Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni ma iska casili doonaa Xilka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
112428867_96697cc9-5d33-444f-8c5d-4f9f3d

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan lagu doortay Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada cusub uga warbixiyay halka uu marayo ololihiisa ku jihaysan tartanka Madaxtinimada Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Siciid Deni uu xildhibaannada u caddeeyay in uusan iska casili doonin xilka madaxweynaha Puntland.

Xildhibaannada ayuu u sheegay in haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya uu markaas iska casili doono Puntland balse haddii uu waayo shaqadiisa ku soo laabanayo.

Warkaas ayaa ku soo beegmay xilli Axmed Karaash codsaday in la anba-bixiyo Siciid Deni si loo wada-guulaysto.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni ma iska casili doonaa Xilka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this