Deeq A. Posted March 22, 2022 Wasiirka Arrimaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socday hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayna hogaaminaysay Ms. Maxime smeets oo ah madaxa VNG ee Soomaaliya. Kulankaan ayaa looga wada haddlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana diiradda lagu saaray mashaariic ay ka midyihiin Yaraynta Khataraha Masiibooyinka iyo horumarinta dhaqaalaha Dowladdaha Hoose, mashaariicdaas oo laga fulindoono Puntland inta u dhaxaysa 2022-2026, ayna wada fulin doonaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ururka Dowladdaha Hoose Holland, Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka Puntland iyo ururka Dowladdaha Hoose ee ALGABAL. Kulankaan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiweli Mire Xirsi, Agaasimaha Guud Maxamed Cali Nuur Jubba. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Wasiir Dhabancad iyo Maxime smeets? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites