Sign in to follow this  
Deeq A.

Saylici Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Taliyeyaasha Ciidammada, Kalana Hadlay Kooxda Aan La Aqoonsan Waaxda Ay Ka Tirsan Yihiin Ee Shacabka Jidh-dilka U Geysata

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Madaxweyne Ku xigeenka ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa isugu yeedhay kulan degdeg ahna la qaatay masuuliyiinta laamaha dawladda ee Somaliland kadib cabashada muddooyinkii ugu dambeeyey ka soo yeedhaysay qaar ka mid ah shacabka oo ka qaylinaya koox dhallinyaro ah oo hubaysan oo dadka habeenkii jidh dil u gaysta, mararka qaarna qolal ku xidha, lana sheego in ay ka mid yihiin laamaha ammaanka balse aan si rasmi ah loo xaqiijin waaxyaha ay ka tirsan yihiin iyada oo cabashada kooxdaasi laga qabaa soo noqnoqotay muddooyinkii dambe.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo wakhtigan ah ku simaha Madaxweynaha qaranka maadaama uu safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqan yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa warar xog-ogaal ahi noo xaqiijiyeen in uu shalay oo Axad ahayd galinkii hore Xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka kala socday dhammaanba laamaha ammaanka ee qaranka si uu xog waraysi ugala yeesho xaaladda cabashada ah ee qaar ka mid ah Muwaadiniinta ka soo yeedhaysa, iyada oo habeen hore laba wariye oo ka tirsan warbaahinta Somaliland ay koox hubaysan oo dhallinyaro ahi xaafadda Jigjiga yar jidh dil iyo tacadiyo kale ugu gaysteen taasi oo la sheegay in ay Madaxweyne ku xigeenka iyo Masuuliyiinta laamaha Amnigu iska waraysteen.
Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland warbixinno kala duwan ka dhagaystay saraakiisha kala duwanaa ee ka kala socday laamaha Amniga sida Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Booliska, qaybta Dambi baadhista ee isla Booliska, Waaxda Sirdoonka qaranka iyo masuuliyiinta kale ee ay khusayso arrimaha ammaanku kuwaasi oo Madaxweyne ku xigeenka uga xog warramay xaaladda ammaan ee qaranka iyo gaar ahaan kiisaska noocan ah ee hadal hayntoodu badan tahay, lamana oga waxa ay labada dhinac isla qaateen illaa hadda.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo tibaaxaya koox dhallinyaro ah oo ubaysan kuwaasi oo aan si rasmi ah qaybaha ay ka tirsan yihiin loo ogayn, kuwaasi oo dadka qaar ku cawdeen in ay garaacis iyo tacaddiyo xadhigu ka mid yahay ay hore ugu gaysteen walina aanay xukuumaddu ka hadal si faahfaahsanna uga soo saarin xogo dhammays tiran iyada oo cabashada kooxdan laga muujiyey soo noqnoqonaysay muddooyinkii damve si weynna loogu hadal hayay Baraha Bulshada.
Wariyayaasha kala ah Cali Mahdi Jibriil iyo Cabdisalaan Jarmani ayaa habeen hore sheegay in jidh dil loogu gaystay agagaarka Huteel Summer Time, Xaafadda Jigjiga Yar ee caasimadda Hargeysa iyaga oo sheegay in gaadhigii ay wateenna si xun loo burburiyey iyagana jidh dil garaacis u badan loo gaystay iyada oo waxyeellada jidhdilka ah inta ugu badani ku dhacday Wariye Cabdisalaan Jarmani oo horena sidan oo kale u sheegay in afduub iyo jidh dil loogu gaystay muddo saacado ahna guri aanu garanayn lagu xidhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this