Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Rooble: Farmaajo iyo Saciid Deni way ka tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Feysal Rooble oo si aad ah u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo loolanka adag ee loogu jiro doorashada madaxweynaha ee soo socota.

Faysal Rooble oo si aad ah ula socda xaaladda doorashada ayaa badhaamiyey tartanka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo isna si rasmi ah u shaaciyey musharaxnimadiisa.

Wuxuu sheegay in labadaan nin ay si weyn isku hayaan, isla-markaana ay iskala talaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayey, ayna shaqsi ka dhigeen dagaalkooda.

“Labadoodu hadda waxa ay ka talaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayey oo shaqsi bay ka dhigeen waad ogtahay madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuu ceebo badan soo bandhigi doono, door horena waa kii ku qarxiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marka labada shaqsi waxaa moodaa in wax isku diirnax ah uusan ka dhexeyn,” ayuu yiri aqoonyahanka caanka ah ee Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labadooda, haddii uu mid kasto xittaa heli waayo xilka uu ku dagaal geli doono dhisidda musharax kale, si aan looga adkaan koox ahaan.

“Haddii uu soo bixi waayo mid kasta waa cadahay cidda uu raacayo Saciid Deni cidda uu soo saarayo waa dad uu xulafo la yahay ama Xasan Sheekh Maxamuud ha noqoto madaxweynihii hore ama dad kale ha noqotee waa jiraan, Farmaajo qudhiisu dadbuu sharraxan doonaa, haddii uu isagu heli waayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale Faysal Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in doorashada soo socota ay ka kulushahay doorashooyinkii hore, isla-markaana loo geli doono loolan culus.

“Runtii waxaan u maleynayaa inay noqon doonto doorashadii ugu kululeyd intii aynu soo fiirineynay doorashooyinka Soomaaliya ee baarlamaanka doorto,” ayuu markale yiri.

Doorashada Soomaaliya ayaa qaadatay mudo ka badan hal sano & dheeraad sababo la xiriira is jiid-jiidka u dhexeeya hogaamiyeyaasha siyaasadda oo isku haya doorashada.

The post Faysal Rooble: Farmaajo iyo Saciid Deni way ka tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this