Deeq A. Posted March 21, 2022 Guddiga Hirgelinta doorashada ee dowlad Goboleed Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo Guddiga xulista Ergada dooraneysa labada Kursi. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Maanta ay diiwaangelinayan Ergada doorashada iyo musharrixiinta labada kursi ee doorashadooda Maalinta berito ah ay ka dhaceyso Magaalada Beledweyne, kuwaas oo kala ah. KursigaHop#011 iyo Kursiga Hop#063 PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo shaacisay kuraas kamid ah Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites