Deeq A. Posted March 21, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ayaa maanta oo Isniin ah soo geba-gabeeynaya doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Guddiga ayaa shalay Shahaadada musharraxnimo waxaa ay guddoonsiiyeeen Afar musharrax oo ku tartami doona labada kursi ee kala ah. 1: Hop#219 oo uu ku fadhiyo Cabdifitaax Maxamed Cali, balse ay ku tartami doonaan Roodo Carab Cabdi iyo Faadumo Cabdi Cali. 2: Hop#133 oo ay hadda ku fadhiso luul Cabdi Aadan, waxaana Maanta ku tartamaya Maxamuud Axmed Xasan & Maxamed Xasan Aadan. Maamulka Jubbaland ayaa kaliya waxaa u hari doona doorashada 16 kursi ee taalla Gobolka Gedo, kuwaas oo weli qabashada doorashadooda ay caqabad ka taagan tahay. PUNTLAND POST The post Jubaland oo maanta soo geba-gebaynaysa kuraasta Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites