Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir lagu go’aamiyay diiwaan-gelinta Hubka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   
4-10.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Magaalada Muqdisho waxa ku soo xirmay shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee MadaxtooyadaSoomaaliya, u na dhexeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Shirka ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodoba ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

PUNTLAND POST

The post Shir lagu go’aamiyay diiwaan-gelinta Hubka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this