Deeq A. Posted March 21, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wariye Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) u magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta. Wariye Timire oo ka tirsanaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa muddooyinka dambe soo saari jiray barnaamijka Afmeer oo lagu wareysto dadka ku eedeysan Al-shabaab. Hoos ka akhriso wareegtada Garoowe, 21, March, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland..Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.Wuxuu xeeriyey:1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Deni oo wariye Timire xil u magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites