Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo garaacey saldhig lagu tababarey ciidamo reer Ukraine ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo garaacey saldhig lagu tababarey ciidamo reer Ukraine ah

ruush-6.jpg
Diyaarado dagaal

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay iney weerartey waxa ay ugu yeertay xarun lagu tababaro ciidamada Ukraine, oo kudhaw xadka dalka Belarus.

Waxey intaa ku dartey wasaaradda, in gantaallada lagu garaacey meel u dhaw magaalada yar ee Ovruch, ay ku dileen tiro badan oo askar ah iyo dagaal yahano ajaanib ah.

Waxey sidoo kale sheegtay iney riday gantaallo badan oo ah kuwa guuxooda ka dheereeya, markan oo ka dhan ah keydka shidaalka ee military-ga Ukraine, oo ku yaalla gobolka koonfurta ee Mykolaiv.

Labada sheegasho midkoodna si madax bannaan looma xaqiijin karo. Sabtidii Ruushka, waxa uu sheegay iney u adeegsadeen gantaallada guuxooda ka dheereeya weerar ka dhacey galbeedka Ukraine, markii ugu horeysay oo ay sheegaan in ay hub noocan oo kale ah u isticmaalaan colaad.

Hubkani ayaa loo naqshadeeyey inuu jari karo ugu yaraan shan jeer wax ka badan xawaaraha codka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this