Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ukraine oo shaacisey Tirada Askartay ka dileen & Kuway ka dhaawaceen Ciidamada Ruushka ilaa maalintii Duulaanku bilaabmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ukraine oo shaacisey Tirada Askartay ka dileen & Kuway ka dhaawaceen Ciidamada Ruushka ilaa maalintii Dagaalku bilaabmay

ukraine-11.jpg

Saraakiisha ciidamada Ukraine, ayaa sheegay in ku dhawaad 15,000 oo askari oo Ruush ah la dilay, tan iyo markii Madaxweyne Putin uu bliaabey duullaankiisa in ka badan saddex toddobaad kahor.

Warbixin cusub oo lasoo dhigay bogga facebook-ga ee shaqaalaha guud ee Ukraine, ayay saraakiishu ku sheegeen in 14,700 oo askari oo Ruush ah lagu diley intii lagu guda jirey dagaal socday 25 ka maalmood.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tiro aad u badan oo qalabka military-ga Ruushka ah lagu burburiyey iska hor imaadka, oo ay ku jiraan ku dhawaad 476 Taangi, in ka badan 200 oo diyaarado dagaal ah, diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyo kuwa aan duuliyaha wadin, iyo ku dhowaad 1,487 gawaarida gaashaaman.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadan, inkastoo ilo Reer Galbeed ah ay rumeysan yihiin in Ruushka uu soo gaarey khasaare weyn, saraakiisha difaaca Mareykankana waxey ku qiyaaseen in ugu yaraan 7,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay weerarka, iyadoo illaa iyo 21,000 ay dhaawacmeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this