Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka lagula kacay suxafiyiinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed 20/03/ 2022

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka lagula kacay suxafiyiinta.

Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka loo gaystey suxufiyiinta.

06/02/2022, waxay ciidamada sirdoonka Somaliland xidheen Jamaal Ibraahim Maxamed, oo ah suxufi madax bannaan, xadhigiisa ayaa yimid kadib marki uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somalialnd, Abdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Uu is casilayo, urur cusubna furanayo. marka waa lasii daayay waxaana dib loo xidhay 08/02/2022, xadhigiisa looma marin wado sharci, ilaa hadana waxa uu ku xidhan yahay xarunta denbi baadhista ee CID mana jiro wax denbi ah oo lagu soo oogey.

Sidoo kale waxa isna 12/03/2022, ciidamada sirdoonku qabteen Axmedqani Jaamac Xirsi Tulux, oo ah suxufi ka tirsan Start TV, iyadoo muddo laba cisho ah lagu hayey meel aan lageranayn. 14/03/2022, ayaa dib loogu soo xidhay xarunta CID, walina maxkamedd lama horgeyn, denbina laguma soo oogin.

Axmedqani waxa laxidhay kadib markii uu bartiisa Facebook ku soo qorey qoraal uu kaga hadlayey arrimaha sixir bararka iyo abaaraha wadanka ka jira.

Xadhiga Jamaal iyo Axmedqani waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Jamuuriyad Somaliland iyo xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Qodobka 32 (1) ee dastuuka Somaliland waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah ama qaabkale

Sidoo kale Dastuurka Somaliland qodobka 27(4) waxa uu dhigaya “waxa reeban in qofka lagu xidho meel aan xeerku banneyn”.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale dhigaya in aan qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaadi karin. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bannayn”

Dhanka kale waxa Jidhdil loo gaystay laba weriye oo kale ah Cabdisalaan Maxamed Jaamac (Chermany) Iyo Calimahdi Jibriil Hasan Shiikh, iyagoo laga qaatey Laabtob iyo talafoon sidoo kalena khasaare la soo gaadhsiiyey gaadhigi ay wateen, sida ay weriyayaashaasi warbaahinta la wadaageen.

Arintani waxay xadgudub weyn ku tahay dastuurka iyo xeerarka dalka, Dastuurka Jamuuriyada Somaliland qodobkisa 24 (2) (3 ) waxa uu sheegaya“ qofku waxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; in waxyeelo loo geystaana way reeban tahay.”

“ Qof kasta waxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo, sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed”.

Xaruntu waxay walaac weyn ka qabta arimaha soo noqnoqaya ee laxidhiidha cabashada dadweynuhu ka cabanayaan Ciidamada Sirdoonka Qaranka Somaliland iyo xadhiga lagula kaco dadka aragtiyahooda cabira.

Ugu danbayn xarunta xuquuqal insaanku waxay ku baaqaysa in xoriyadooda loo soo celiyo suxufiyiinta xidhan iyo in sidoo kale sharciga la horkeeno cidii jidhdil ka u gaysatay labada suxufi ee kale lana xaqdhowro xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintaas.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this