Sign in to follow this  
Deeq A.

Safarkii Madaxweynu guul buu ahaa ee maxaa loo xumaynayaa?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Safarkii Madaxweynaha ee Maraykanka (USA),si fiican ayuu u socday,balka si ula kac ah ayaa siiyo loogu kiciyey,si toos ah ayaa loo majare habaabinayaa,wanaagii iyo guushii safarka Madaxweynaha si weyn oo fool xun u waxyeeleeyey qodob oo kala ah:-

1. Weerarkii Saxaafada loogu geystay Hargeysa,ee lagu dhaawacay Wariyayaasha.Wuxuu ahaa fal loogu talo galay in lagu dhaawaco Safarka Madaxweynaha.

2. Aflegaadada aad u fool xun oo loo geystay Xildh.ILHAN OMAR oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Maraykanka ILHAN OMAR. Ilhan waa gabadh Soomaaliyeed oo kartideeda ku gaadhay Kursiga ay ku fadhido.Ilhan xilligan waa Gabadh Siyaasiyad Marayka ah,waana xubin ka mid ah guddida xidhiidhka dibada ee Aqalka Wakiilada ee USA,waxay ka mid tahay kuwa aynu doonayno in aynu xidhiidh fiican la yeelano.Hadalka ay ILHAN tidhi muu ahayn in heerkaa ina gaadhsiiyo. Kuwa ka jawaabay ee Aflegaada iyo cayda fara badan u gaystay ILHAN waxay waxyeelo weyn u gaysanayaan safarkii Madaxweynaha.

3. Hadalka Maxamed Kaahin ,u uka jeediyey kulankii Madaxweynaha iyo Jaaliyada Woqooyiga Ameerika,wuxuu aha amid meel ka dhac iyo sii kala fogeyn ku waxyeelo ku ahaa safarka MAdaxweynaha iyo guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Jaaliyada reer Woqooyi Ameerika.

Hadal iyo dhamaan,hore Ayaan u sheegay ,oo xilliga aynu Dowladnimada baraynaa way dheer tahay ,wadadii loo mari lahaana garan mayno ee SAFARKA MADAXWEYNUHU SI FIICAN BUU U SOCDAY EE KA DAAYA XAGAL DAACINTA GUUSHA SAFARKA.

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this