Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sacuudiga oo gargaar ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen ee Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1647795866878.jpg?resize=719%2C47

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta daahfuray Deeq Raashiin gargaar ah oo Boqortooyada Sucuudiga ugu deeqday 10,000 oo qoys oo kamid ah Dadka Abuuruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Jubaland, qaybtii ugu horraysay deeqdan ayaa maanta loo qaybiyay 3000 oo qoys oo deegaanka Goobweyn ee magaalada Kismaayo.

Munaasabad kooban oo lagu daah-furayay mashruuca ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxa Xarunta Boqor Salaan ee Gargaarka iyo Arrimaha Bin’aadantinimada, La taliyayaal iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Dowladda Federaal Somalia, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka DF, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbland iyo Madaxda ka tirsan Hay’adda Tadamun oo iyadu mashruuca fulinaysa.

Deeqdan ayaaa imaanaysa xilli Abaar aad u daran ay ka jirto Jubaland ayadoo la ogsoon yahay in abaartu saamaysay dhulka Soomaalidu ay degto ee geeska Africa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka DF, Axmed Weli ayaa sheegay in la qorsheey 42,364 qoys in deeqdan oo ay Xarunta Boqor Salmaan ku deeqday la gaarsiiyo dadka abaartu saamaysay ee ku dhaqan Dowladd goboleedyada dalka, waxaana saamiga ugu badan lasiiyey Jubbaland.

Wasiirka Gargaarka Jubbaland Mudane Abdirahman Cabdi Axmed ayaa isna u mahadceliyey Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa Ha’yadda wadaniga ah ee Tadamun, wuxuuna codsaday in dadka Abaartu saamaysay lala soo gaaro deeqo iyo qorsho dhibta looga saari karo.

Yusuf Alballushi Madaxa Xarunta Boqor Salmaan, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo sida Dowladda Jubbaland uga shaqaysay gaarsiinta deeqdan qaybta ugu horraysa dadka mudan.

Ugu Dambayn Madaxweyne ku xigeenka JL ayaa u mahadceliyey Boqortooyda Sucuudiga iyo Hay’adaha Mashruucan fulinaya.

Halkaan ka eeg sawirada

FB_IMG_1647795948707.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795943988-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1647795938456.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795931466.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795911977.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795906794.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1647795898389.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1647795888556.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795883919.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1647795879838.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1647795875632.jpg?resize=720%2C37 FB_IMG_1647795871284.jpg?resize=720%2C34

PUNTLAND POST

The post Boqortooyada Sacuudiga oo gargaar ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen ee Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this