Deeq A. Posted March 20, 2022 Wararka laga helayo deegaanka Gursum oo hoostaga gobalka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dad shacab ah ku dileen deegaanka. Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 8 qof kuwaas oo kamid ahaa dadka deegaanka. Dilka dadkaan ayaa yimid kadib markii iska hor-imaad uu soo kala dhex galay dadka iyo ciidamada Liyuu boolis. Ciidamada ayaa shacabka ka hor istaagay in xaflad lagu caleemasaarayay Ugaas cusub oo ay doorteen dadka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites