Sign in to follow this  
Deeq A.

“Sharcigu Ma Odhanayo Ama June Ama July Ee Wuu Cad Yahay, Xeer Lam 14-2012 Wuxu Odhanayaa…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

MADAXWAYNE: GUUSHAADA WAA LALA JIRAA GEES HA KA AHAANIN

 Sharcigu ma odhanayo ama June ama July ee wuu cad yahay. Xeer Lam 14-2012 wuxu odhanayaa MUDDADA SHAHAADADAHA XISBIYADU WAA 10 SANADOOD OO KA BILAABMAYA MAALINTA SHAHAADADAHA LA SIIYO. Sadexdan xisbi waxa shahadadaha la siiyay 26kii December 2012 waxay kaga buuxaan 10kii sanadood 25ka December 2022. Doorashada Madaxtooyadu hadii ay wakhtigeeda ku qabsoomayso sadexdan xisbi ayaa xaq u leh in ay ku tartamaan doorasho kale oo ka horaysaana ma jirto. Hadii ay wakhtigeeda ku qabsoomi waydo waa wax kale oo dalku wuxu geli doonaa khilaaf siyaasadeed iyo muran sharci oo laga yaabo in uu keeni karo in aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho la isla ogol yahay. Waa barta uu ku socdo Madaxwayne Muuse ee hadaba guul ma noqon doontaa guusha safarkiisu mise isaga ayaa u rogi doona guul darro? Madaxwayne Muuse waxan kula talin lahaa:

Madaxwayne GUUSHAADA WAA LALA JIRAA GEES HA KA AHAANIN

Mr ElectionWatch.

W/Q Mujaahid Cali Guray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this