Deeq A. Posted March 20, 2022 Ruushka oo war weyn kasoo saartay Dagaalka Ukarine Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay dishay tobaneeyo “calooshood u shaqeystayaal ah” kadib markii gantaal lagu weeraray xarun tababar oo ku taal galbeedka Ukraine, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee RIA ee ay dowladdu maamusho. Maj Gen Igor Konashenkov, oo ah afhayeenka wasaaradda, ayaa sheegay in in ka badan 100 askari oo Yukreeniyaan ah iyo “calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah” la dilay ka dib markii “gantaalka hawada sarreeya” uu ku dhacay saldhigga Ukraine ee u dhow Ovruch ee gobolka Zhytomyr. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites