Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo magacaabay shan taliye saldhig

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamed-Cali-Xaashi.jpg?resize=811%2C638

Taliska Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xalay magacaabay taliyaal saldhig.

Taliyaha Saldhiga dhexe ee Caasimadda Garoowe ayaa loo magacaabay Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) halka taliyaha saldhiga galbeedna loo magacaabay Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob).

Taliyaha Saldhiga degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Siciid Axmed Faarax halka taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso loo magacaabay Cabdullaahi Yuusuf Cabdullaahi.

Taliyaha saldhiga xaafadda Xingood oo ka tirsan magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay Yaasiin Cabdi Aaden.

3-9.jpg?resize=672%2C896&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo magacaabay shan taliye saldhig appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this