Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa Madaxweyne Deni u taagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16477601690135942.jpg?resize=720%Madaxweyne Deni waa inuu caddeeyo meesha uu ka taagan yahay mowqifyadiisii siyaasadeed ee hore.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murrashax madaxweyne. Wuxuu sheegay in hadafkiisu yahay inuu xilka ka qaado Madaxweynaha xilka haya.

Inkastuu Deni sheegay inuu faahfaahin doono barnaamijkiisa siyaasadda, waxaa jira dhowr mabda’ oo sal u noqon kara doodda uu u soo bandhigi doono xildhibaannada iyo Senatorrada.

2019kii wuxuu Deni soo jeediyay in barlamaannada maamul federaaleedyadu soo gorfeeyaan hindisayaasha sharci ka hor inta aan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose loo gudbinin. Marka la eego sida labada aqal u dejiyeen sharciyo dhaliyay heshiisyo sharci-darro ah sida Heshiiska Wax-soo-saar Wadaagga uu Wasiirka Batroolku saxiixay dhowaan, waxaa muuqanaysa xarig-lama-sitaannimada xeerdejinta (labada aqal) iyo fulinta (madaxtooyada).

Doodda Deni waxay hordhac u ahayd awoodihii uu Deni u soo dhiciyay maamullada markuu ku dooday in guddiyada doorashooyinka heer maamul ka awood-bataan kan heer federaal, oo loo arkayay mid dowladda federaalku danaheeda ku qunsanaysay.

Sanadkii 2021kii wuxuu Deni Garoowe ka sheegay in dowladda federaalku si xun u adeegsatay awoodda maamulka hawada kaddib markii ay xayiraad duullimaadyada ay ku soo rogtay Jubaland muran ka dhashay doorasho awgiis. Tallaabo noocaas ah dowladdu ma qaadin markii dad Soomaaliyeed uu maamulka Somaliland ka soo barakiciyay Sool.

Mar kale 2021kii Deni wuxuu sheegay in dowladda federaalku samaysatay ciidammo ay wax ku cabburiso. Maqnaanshaha heshiis siyaasadeed oo ku saabsan dib u dhiska ciidammada Soomaaliya ayaa keenay in la sameeyo ciidammo federaal oo aan loo dhammayn, bay doodda Deni u dhacaysay. Way adag tahay in Soomaaliya ciidan qaran oo loo dhan yahay loo dhiso inta ay ciidammo nabad-ilaalin ku sugan yihiin dalka waayo lacagta beesha caalamku ku bixiso nabad-ilaalinta waxay ku salaysan tahay ka hortagista halis amni oo aysan dowladda federaalku wax ka qaban karin waayo kama wada taliso dalka oo dhan, kamana maaranto ku tiirsanaanta AMISOM.

Sidee Deni u arkaa wax ka qabashada dhibaatooyinka siyaasadeed — dejinta sharciyo lagu boobayo kheyraadka Soomaaliya, si xun u adeegsiga awoodda maamulka hawada, iyo dhisidda ciidan aan loo dhammayn — oo uu siyaabo kala duwan uga hadlay?

Puntland waxay kaalin ku leedahay fidinta siyaasad ay maamulladu si gaar ah heshiisyo lagu maamulayo kaabayaasha qaranka sida dekedaha iyo gegida diyaaradaha ula gali karaan shirkado. Waa siyaasad ka duwan kuwa dalalka kale ay adeegsadaan. Inkastoo Soomaaliya leedahay dowlad taagdaran, xalku kuma jiro in dalka kaabayaashiisu gacanta u galaan shirkado qaarkood aan ka madaxbannaanayn dowlado shisheeye. Miyuu Deni noqon doonaa siyaasi u taagan mowqifyadii uu hore u soo bandhigay mise wuu is illowsiin doonaa si uu xoogga u saaro in Madaxweyne Farmaajo u guuldarraysto?.

Maxamuud Aadan (Biimbe)

The post Waxa Madaxweyne Deni u taagan yahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this