Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Ukraine Oo Sii Xoogaysanaya + Ruushka Oo Qabsaday Magaalooyin Muhiim Ah Iyo Wararkii U Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kyiv)- Dagaalka Yukrayn wuxuu galay toodabaadkii afraad iyadoo ciidamada Ruushka iyo Yukrayn aanay waxba iskula hadhin.

Mariupol waxay noqonaysaa magaalada burburka ugu badan uu gaadhay intii uu socday dagaalka Yukrayn. Dagaalka Mariupol wuxuu marayaa badhtamaha magaalada iyadoo wadooyinka ay isku rasaasaynayaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Yukrayn, waana walaaca ugu badan ee ay qabaan shacabka magaalada go’doonsan ee Mariupol.

Ruushku wuxuu isku dayayaa in uu la wareego maamulka hawada Yukrayn balse saacadihii lasoo dhaafay ayaanay u suurta galin in uu si buuxda ula wareego.

Ruushku wuxuu xaqiijiyay in dagaalka Yukrayn oo markii ugu horaysya taariikhda u isticmaalay gantaaladiisa ugu danbeeyay ee Kinzhal oo xawaaraha iftiinka jaraya.

Qaramada Midoobay waxay ku warantay in dhimashada shacabka ee Yukrayn ay gaadhay 847 qof tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, iyadoo ay dalkaas ka qaxeen 6.5 million oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this