Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagreen oo La Kulmay Guddigii Doorashooyinka SEIT Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ee dhowaan doorashada soo dhammeeyey.

Madaxweynaha ayaa guddiga uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen qabashada doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee deegaan Doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

15-kii bishan Maarso, sanadka 2022, ayaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed ku matayali doona  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this