Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo shaaciyay inuu u tartamayo Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16364416222751797.jpg?resize=715%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan kaga dhawaaqay munaasabad casho ah oo uu caawa u sameeyay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanah Puntland ayaa ugu baaqay musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u tartami doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta xilkaas u ordaysa inay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Farmaajo, islamarkaana noqdo hadafka 1aad oo laga wada shaqeeyo sidii loo taabo-gelin lahaa inuu isbedel dhaco” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaaa galabta madaxtooyada Garowe kulan gaar ah kula qaatay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal, wuxuuna kala hadlay qorahaha uu ku raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya

PUNTLAND POST

The post Deni oo shaaciyay inuu u tartamayo Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this