Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxii Hore Quba!!! By Ibrahim Tallaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20200802-WA0006-768x1024.jpg

Maahmaah reer xamar ah ayaa tidhaahda “Cimrigaaga oo Raagaa Geel Dhalaayana wuu ku tusaa” Dhawr jeer ayaan si sarbeeb ah oga hadlay kibirka iyo foolxumada ka socota hargeisa.

Foolxumadaas iyo kibirkaas oo lagu kala baydhi waayay inuu hormood ka yahay wiilka uu dhalay madaxweyne muse ee lagu magacaabo Axmed Muuse Biixi aniga laftaydana wax iga soo gaadheen kibirkaas isaga ah, waxaan se filayay in madaxweynuhu talaabo cad oo degdeg ah uu ka qaadayo kibirkan iyo foolxumadan isaga dul joogta, waxa se muuqata in madaxweynuhu wiilkiisa xidigaha ugu tolay si shacabka somaliland loogu hagar daameeyo.

Waxa yaabka yaabkiis igu noqotay in dhalinyaro weriyayaal ah suuqa Hargeisa lagu dhex garaaco iyada oo lagu dhawaaqayo madaxweynaha ayaad wax ka sheegtaa, weriyayaasha la garaacay ee rasaasta lagu riday waxa ka mid ah Alimahdi Jibriil oo ah hanti qaranku leeyahay aan hubona kuwa falkaas kula kacay inuu oga lexo jeclo badan yahay qaranka somaliland.

Hadaba weriyaha lagu socday lana jidh dilay waxuu ahaa Cabdisalam Germany oo runtii dhaawac culus loo gaystay, halka Alimahdi gaadhigiisii la burburiyay.

Waa arrin ugub ku ah somaliland dawladnimadeeda iyo dhaqanka shacabkaba, maaha markii u horaysay ee kooxdan budhcad madaxtooyada ihi fal noocan oo kale ah ku kacaan.
Madaxdii ka horaysay madaxweyne Biixi ubadkooda lama aqoon iska daa inay cid ku tacadiyaan e.

Suaasha jawaabta u baahani waxa weeye madaxweynhu ma ka qabanayaa shacabka wiilkan kibirki indhaha iyo caqligaba tiray mise wiilkan iyo shacabka ayaa la isu daynayaa ilayn sharci qabanayaa ma jiro e.

Waxaan madaxweynaha kula talinayaa inuu si degdeg ah uu ceebtan dul hoganaysa uu wax oga qabto.

Ibrahim Duale Sulaiman

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this